Marka hore magacaygu waa mohamed osman raage ,joogana dalka germany gaar ahaan caasimada berlin . Marka aan u gudo galo taariikh nololeedkayga,aduunka ani waxaan u jeclaa in aan nolol wacan ku noolado aniga iyo famligaygaba hadana famligaygu dhamaan waxay joogaan somaliland oo ay ku noolyihiin famligaygu waxa ay ka kooban yihiin 2 bahood. bahda u wayni waxa ay ka koobanty 3 hablood iyo sadex inamood oo aan ani ku jiro bahda kalena hada waa sadex laba hablood iyo wiil . Anigu run ahaantii markan joogay wadanky gii nolol wacan ayaan ku noolaa Oo marka labadaada waalid noolyihiin Ee aad la joogto aduunka wax kaa maqan majiro . Aniga oo lix jir ah ayaan bilaabay in aan hooyaday iyo aabahy u shaqeeyo oo aan nasiyo . Waxaanan u ciyaari jiray havoyoco circus somaliland taas oo aan noloshayda intii badnayd ku soo qaaty oo aniga oo jira 19 sano ka baxay . Markaa duruufta igu kalifty in aan iskaga baxona waxay ahayd ,noloshaa aan ku jiry mid ka wanaagsan in aan helo oo aniga iyo caa,iladaydaba na anfacda. Waliba asxaab badan oo aan nolosha la soo qatay oo magacyadooda halkan aanan ku soo koobi karin ,ayaa ilaa hada aan xasuusnahy .
Malintii uu igu dhashy in aan tahriibo waxay ahayd tarikhda englishku 12/7/2015 .oo bisha carabiguna tahay rabadaan waliba tobankii hore . Waliba waxaan aad u sii xasuustaa malintaan soo baxayey habeenimadkeedii oo aan isla joogny afar qof aad igu qaali ah . Oo ay ka mid yihiin ,,,,,,,,,,,,,,, Mohamed abdilahi salad. Bootaan yusuf mohamed. Mustafe ahmed kabadhe. Aydrus ahmed abdi. habeenkaas waxa uu ahaa,habenkii iigu danbysay ee aan arko famligayga iyo asxaabtydaba. Waxay ahyd malin axada 9:00 subaxnimo markaan koray gaadhigii wajaale,markii aan tagy wajaale oo aanan cidna ka garanyn asxaabna ku lahayn ayaa aan xasuusty in socidkii dheeraa ee tahriibku ii bilaabmay markii kowaad waxa aan isku dayey in aan gaadhi ku galo jigjiga . Lkn askartii xuduudka joogty ayaa naqabaty oo dub noo soo celisay aniguna socodkii dheeraa ee aan ku jiray intaa kumuu ee kaan ee lkn waxaan isku dayey in aan aniga oo kaliya lugeeyo ilaa jigjiga mana haysan cid aan wa heshado aan jidka ila sii maro, sacadu waxay ahayd 5:00 galabnimo markii aan socodka aan dib u bilaabay. waxanan imi jigjiga aniga oo malin iyo habeen soo socday oo aan marna nasan ,waxa aanan is lee yahy hadii aad nasato ama yara seexato waa lagu xidhi rajadaaduna halkaas ayey ku dhamaan. Kamana fikirin jidka aan sii maryo khatartiisa,lkn anigu waxa aan ku fikiraya oo kaliya in aan markaliya yurub galo oo aan halkaa ka shaqaysto noloshaydana dib u dhiso. aniga oo aan marna ilaabayn famligayga iyo asxabtayda . Markii aan ka soo baxay jigjiga ee aan imid addis ababa waxa aan ku fikiray dhib intaa ayaa kuugu danbaynaysa inta kale ee kuu hadhyna gaadhi ayuunbaad saarnanaysaa lkn sidaan moodayey marna may noqon . Oo xuduudka ethiopia iyo sudan ayaa ii hadhay oo iyadna la lugaynayo habeen dhan ,markii aanu lagaynaynay waxaanu hayn 23 qof waliba ani ayaa ugu yaraa markastana waxaan ka fikirayey in cidla laygaga tago. Aniguna markasta anigoo isku dayeya in aan gaadho oo aan layga dheerayn . habeen kaas aanu ethiopia ka soo baxaynayna waxa ay ahayd habeenkii cunto nagu filan oo aan cuno noogu danbaysay, waliba sadex bilood ayaan dhexda ku soo jiray intaana dhib iyo daal ayaan ku sugnaa. Markii aan saxaraha liibiya aan soo galnay waxa aanu hayn laba gaadhi oo mid somali kaliya ay saran yiin ka kalena eritria kaliya ay saran yihin markii aanu korny waxay ahayd sacadu 5:00 subaxnimo waxaan xasuustaa wiil aan dhexda isku soo baranay ,waligayna aanan ilaabayn Magaciisana mustafe ayaa la odhan jiray waxaanan malinkasta ku waanin jiray in uu mar uun xaafadooda la hadlo ,isaguna waxa uu ku adkaystay marka uu libiya tago in uu la hadlo oo uu u sheego in uu libiya joogo una sheego in lacag laga doonayo . Lkn marna siduu doonayey u may hirgalin oo qadarkii alle ayaa ka soo hareeyey, Markii aanu soo korany gawadhidii ee ay nala socdeen saacad kaliya ,ayaa saxibkay mustafe iyo wiil kale ka dheceen gadhiga markii aanu istajinay gaadhigana waxaan u nimid ......
This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
Sxb dhib badan ayaad soo marty
ReplyDelete